WAR DEG DEG: Qarax xoogan oo gilgilay M. Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa caawa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo si wayn looga maqlay Degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay wadada Shaqaalaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi & Hotelka Maka al Mukarama.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu dhuftay Hotelka Maka Al Mukarama oo laamiga saaran.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Horumar Online, in gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen inuu qarxay, islamarkaana ay jiraan khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Ciidamada Booliska ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dadka waxyeelada ay soo gaartay laga qaadayo.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wuxuu ahaa mid aad u hagaagsan oo Qaraxyo aysan ka dhicin.