DF Soomaaliya oo ka hadashay howlgalka weerarkii ee ka dhacay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii Argagixiso ee xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo guryo ku yaalla Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Shabaab ku qaadeen dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo guryahooda.

Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay ayaa mar kale tilmaamay in ujeeddada falkan Argagixisanimo laga leeyahay ay tahay in qof haysta danihiisa caadiga ah la dhaafiyo ummaddana lagu beero qal-qal.

Mudane Geelle ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timaado, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.