Faah-faahin dheeraad ah Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay fiidkii lagu weeraray Hotelka Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo ku yaalla meel ku dhaw saldhigga Degmada Waaberi.

Qaraxa kadib rag hubeysan ayaa gudaha u galay dhismaha Shideeye oo ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama, halkaasi oo ilaa saakay ay ka dhex dagaalamayaan.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa saameyn burbur ah u geystay dhismayaal ka akdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaaa hadda si dhab ah khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, maadaama weli aanan la soo afjarin weerarkan.

Khasaaraha horudhaca ah ee qaraxan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 20 ruux, halka Afartan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiil caafimaadka qaabilsan.

Wararkii u dambeeyey ee saakay aan heleyno ayaa waxa nay sheegayaan in mararka qaar dhismaha xalay la weeraray laga maqlayo qaraxyo iyo rasaas, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in raggii weerarka fuliyey ay weli dhismaha ku jiraan kana dagaalamayaan.

Si kastaba, ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna sidoo kalena sheegeen in ay gudaha u galeen Hotelka Maka Al-Mukarama.

Horumar.Net