Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo goor-dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Horumar Online) – Qarax xooggan oo khasaare geystay ayaa goor dhow ka dhacay degmada Warta-nabadda (Wardhiigley) ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda.

Ilo wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Xarunta Degmada Warta Nabadda, islamarkaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa ku cararay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka wadaan gurmad & baaritaan.

Ilaa iyo hadda lama oga qaraxan gaariga ah ee lagu weeraray xarunta Degmada Warta Nabadda halka la soo marsiiyay, maadaama Isgoysyada Magaalada Muqdisho si wayn gaadiidka loogu baaro.

Faah-faahinta qaraxa kala soco Horumar.Net

Xafiiska Horumar Online
Horumaronlnie@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya