Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo AMISOM oo Kulan xasaasi ah yeeshay

Ceelwaaq (Horumar Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shir deg deg ah la qaatey Saraakiisha Taliska Ciidamada Amisom ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Kulankaan oo ka dhacay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Gobolkaasi ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM gaar ahaan kuwa dowladda Kenya.

Saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kala Shaqeyn doonaan sugida Amniga iyo la-dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo sawirrada kulanka:

Xafiiska Horumar Online
Horumaronline@gmail.com
Kismaayo, Soomaaliya