Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

UPDATE: Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay muwaadin Turki ah

Muqdisho (Horumar Online) – Qarax khasaare geystay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.  waxaana lagu soo xiray gaari.

Qaraxani waxaana ku geeriyooday muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaasi oo markii hore dhaawac halis ah ka soo gaaray qaraxaasi.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Horumar.Net u sheegay, in qaraxani uu ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid faah-faahin ka bixisay qaraxani.

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho weli kama aysan hadlin.

Wixii faahfaahin ah kala soco Horumar.Net

Xafiiska Horumar Online
Horumaronline@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya