Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

Update: Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in goordhow agagaarka Siinka Dheer qarax miino ah lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya.

Qaraxani ayaa ku dhimatay, labo ka mid ah ciidamada Milateriga, waxayne xilligaasi ka soo laabteen aaska Askari kale oo ciidamada dowladda ka tirsan oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Ciidamada oo saarnaa gaari Cabdi bile ah ayaa qaraxan lala eegtay, waxaa halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray askar kale oo ka mid aheyd Ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoog leh oo ka dhashay qaraxa miinada ah ee Ciidamada lala eegtay.

Si kastaba, Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay noqotay ammaankeeda mid halis badan oo gaadiidka qaraxyo lagula eegto, islamarkaana amnigeeda uu faraha ka baxay.

Xafiiska Horumar Online
Horumaronline@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya