Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

War-murtiyeed: Maxay ku heshiiyeen maamullada Puntland, Hirshabelle iyo K/Galbeed?

Garowe (Horumar Online) – War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirkii u dhaxeeyay Maamullada Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaasi oo xalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in saddexda Maamul Goboled ay ka wada shaqeyn doonaan dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka dalka, iyaga oo iskaashi kala sameynaya Maamulada kale ee Federalka & dowladda dhexe.

Sidoo kale, qoraalka Shirkaasi laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Maamul Goboledyada ay yeelanayaan Iskaashi ballaaran, iyadoo la sameyn doono Guddiyo farsamo oo ka shaqeeya Hirgelinta Heshiisyada.

Si kastaba, saddexdan Maamul Goboleed ayaa isla gartay la dagaalanka Al-Shabaab iyo Sare u qaadista is-weydaarsiga xogaha la xiriira dhanka ammaanka.

Hoos ka akhri wara-murtiyeedka:


Xafiiska Horumar Online
Horumaronline@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya