Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

XOG HOOSE: Ma ogtahay hubka ay DFS ku dhabar-jebineyso Axmed Madoobe?

Muqdisho (Horumar Online) – DF Soomaaliya ayaa ku goodisay in uusan soo laaban Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Doorashada ka dhaceysa Jubbaland Dhamaadka Sanadkaan 2019-ka.

Hubka ugu weyn Ee Dawlada u adeegsaneyso is hortaaga Axmed Madoobe ayaa waxa ay tahay Seddex Murashax oo ay gadaal ka riixeyso.

Waxayna kala yihiin saddexdaasi, Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Waa dagaal kale uu Axmed Madoobe wajahayo, xilli uu shalay markii uu Kismaayo ka degay Kana yimid Garowe uu sheegay una taana taaneeyey Dawlada Madaxdeeda inay iyagu uun isla quman yihiin.

Inkastoo Axmed Madoobe sheegay in aysan jiri doonin Dib udhac doorasho hadana, waxa uu ka diiday beesha Caalamka iyo Dawlada Dhexe inay soo fara geliyaan doorashadaasi.

Xiisad Siyaasadeed ayaa ka jirta Kismaayo oo la sheegay in ay Murashaxiinta iyo Axmed Madoobe ka dhex aloosan tahay tan iyo Khamiistii is-rasaaseyntii ka dhacday garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Cabdinaasir Seeraar ayaa hadda kusugan Magaaladaasi,iyadoo xaalad cakiran ay ka dhex jirto isaga iyo Axmed Madoobe oo ceyshoow milix soo wada ahaayeen ilaa Jabhadii Raaskambooni oo ay kasoo wada bilaabeen Halganka Jubbaland.

Si kastaba, ilaa iyo hadda lama sida uu xaalka noqon doono, balse la arki doonaa halka ay ku biyo shubato.

Xafiiska Horumar Online
Horumaronline@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya