Monday, 27 May 2019
WARARKA MAANTA

XOG XASAASI: Maxaad ka ogtahay Ujeedka uu M/weyne Xaaf u aaday Nairobi, kaddib Fashilkii Shirka Garowe

Nairobi (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboledyada ee Garowe ka socday lixdii maalin ee la soo dhaafay.

Wafdiga Xaaf ayaa Garoonka Magaalada Garowe, waxaa ku sii sagootiyay Senator Cabdi-raxmaan Sheekh Faroole iyo Xubno kale oo ka tirsan masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Mr. Xaaf ayaa ka hor inta uusan ka ambabixin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe, waxa uu Saxaafadda u sheegay Shirkii Garowe inuu fashil ku dhamaaday, arrintaasina masuul ay ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxda Maamul Goboledyada kale ayaa la filayaa inay sidoo kale ka dhoofaan Magaalada Garowe, maadaama Shirka la isku mari waayay oo uu fashilmay.

Xafiiska Horumar Online,
horumaronline@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya