Monday, 19 Aug 2019
Somali News

AKHRI: RW Kheyre oo magacaabay guddiga qaban qaabada xuska toddobaadka xorriyadda Soomaaliya

Muqdisho (Horumar Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mr. Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

Guddiga uu magacaabay Kheyre ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, kaasoo ka kooban 9 xubnood.

Haddaba hoos ka akhriso magacyada guddigan:-

1- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2- C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3- Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6- Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7- Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin.

8- Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9- Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin

Guddigan shaqada ay qaban doonaan ayaa kala ah:-

1- In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3- in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4- In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5- In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6- In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment