Thursday, 20 Jun 2019
Somali News

DHAGEYSO: ”Shirqool ayaa lagu dilay Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seed”…

Muqdisho (Horumar Onlie) – Qoyska iyo Ehellada marxuum Gaashaanlle Dhexe Cabdi Cali Seed oo Jimcihii ku dhex dhintay xerada taliska ciidanka daraawiishta ee Sheelare ayaa warar kala duwan geeridiisa ka soo baxay, waxaana la sheegay in marxuumka ay shiqooleen saraakiil kale, sidaasina lagu dilay.

Ehellada marxuum Gaashaanlle dhexe Seed, ayaa xusay, in ay dileen taliyeyaal ay magacyadooda sheegeen, kuwaasi oo marki ugu war dambeysay ay iyaga u yeeray, wixii xilligaasi ka dambeeyana ay maleen geeridaasi naxdinta leh.

Waxay kaloo sheegeen, in Gaashaanlaha dhintay, uu horey u sheegay in ay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kann xerada daraawiishta ee meydiiska lagu dhex arkay.

Ehellada marxuumka, ayaa tibaaxay, in ay baaritaan rasmi ah aan lagu sameynin falkaasi, iyadoona weli aan la xirin askartii xilligaasi ku qorneyd heeganka waqtiga la dilayay Gaashaanle Seed.

Hoos ka dhageyso Codka Ehellada Gaashaanle Seed.


Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment