Thursday, 20 Jun 2019
Somali News

Guddoomiye Mursal oo kulan la qaatay Wakiilka Midwoga Afrika ee Somaliya

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira.

Mudane Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka.

Waxay sidoo kale, ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada.

”Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri Mudane Mursal.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment