Monday, 19 Aug 2019
Somali News World

Iceland oo si xushmad darro ah ula dhaqantay ciyaartoyda xulka Turkiga

Turkey (Horumar Online) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul ugu cambaareysay dalka Iceland inuu ‘si xushmad darro ah‘ ula dhaqamyey cayaartoydeeda kubadda cagta markii ay tageen garoonka diyaaradaha Reykjavik.

Kooxda kubadda cagta ee  Turkiga ayaa habeenkii axadda dhowr saac lagu hayey qeybta baasaboorada lagu hubiyo ee garoonka, waxaana la marsiiyey baaritaan xooggan, sida ay sheegeen cayaartoyda.

Afhayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin ayaa qoraal carro leh soo dhigay twitter-ka, isaga oo Iceland si darran ugu dhalleeceeyey “xushmad darrada aan la aqbali karin” ee ay ku sameysay cayaartoyda Turkiga.

Xulka Qaranka Turkiga / Photo: Reuters

‘‘Dowladdeena iyo shacabkeena waxay garab taagan yihiin xulka qaranka, waxayna jawaabta ugu wanaagsan ku bixin doonaan garoonka kubadda cagta” ayuu yiri.

Sidoo kale, agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Turkiga, Fahrettin Altun ayaa sheegay in sida loola dhaqmay cayaartoyda aysan waafaqsaneyn diblomaasiyadda iyo habka ciyaar wanaaggaba.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa warqad diblomaasiyeed oo cabasho ah u dirtay Iceland, ayada oo marsiisay safaaradda Norway. Iceland weli wax jawaab ah kama aysan bixin dhacdadan.

Kooxaha Turkiga iyo Iceland ayaa ku wada jira qeybta H ee is-reebka loogu soo baxayo koobka Qaramada Yurub ee 2020. Turkey oo cayaartii ugu dambeysay 2-0 kaga adkaaday France ayaa 9 dhibcood ku hoggaaminaya qeybta H.

Xafiiska Horumar Online, London
Horumaronline@gmail.com

Post Comment