Thursday, 20 Jun 2019
Somali News

Muqdisho: Haweeney Baangad ku dishay haweeney kale oo deris la aheyd

Muqdisho (Horumar Online) – Haweeneey Ku Sugneed Degmada Yaaqshid oo Baangad Ku Dishay Haweeneey Kale, kadib markii dagaal muran uu dhexmaray.

Haweenkan dagaallamay ayaa ah labo Reer oo deris ah, waxay isku  adeegsadeen Baangaddo.

Mid ka mid ah haweenkan ayaa baangad ku dhifatay Haweeneyda Kale oo ka mid ahayd reerka ay dagaalameen Dhaawac soo gaaray ayayna u dhimatay.

Cabdifitaax Axmed Cali, guddoomiyaha Amniga Degmada Yaaqshiid oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa xaqiijiyay Dhacdadan Maanta Ka dhacday meel u dhaw Xarunta Degmada Yaashiid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ay ka bilaabatay Buuq ka dhashay Biyo uu keenayo Roobab Galabta ka da’ady degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Amaanka ee Degmada Yaaqshiid oo goobta dhacdadan ka dhacday tagay ayaa soo qaaday Meydka Haweeneydii Ku dhimatay goobta, halka haweyneydii dilka geystayna Xabsiga loo Taxaabay.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa sheegay, in ay baaritaan ku sameeyeen dhacdan maanta ka degmada Degmada.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment