Monday, 23 Sep 2019
Somali News

SAWIRRO: Guddoomiye Yariisow oo dhagax dhigay dhismaha laamiga isgoysyada Siinaay iyo Baar-Ayaan

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.

Guddoomiye Yariisow oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.

Wuxuu kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid ayaa bogaadiyey hirgelinta waddadan, iyagoona uga baaqay bulshada degmooyinkaas in ay la shaqeeyaan injineerrada hawshan wada, si is-xilqaan ahna ay uga qeyb qaataan hawlaha kale ee la xiriira bilicda iyo horumarinta.

Geesta kale, Duqa Muqdisho Eng Yariisow, ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo ganacsi ee bulshada degmooyinkaas, isagoona qaar ka mid ah goobahaas kula kulmay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment