Monday, 23 Sep 2019
Somali News

SAWIRRO: Xarun lagu tababarayo Ciidamada oo laga furay Baydhabo

Baydhabo (Horumar Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliy, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa magaaladda Baydhabo ka furey xarun cusub oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

Xaruntan oo ay maagalinayso dowlada Ingiriiska ayaa Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda.

Xaruntaan laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017, waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka, hoggaanka, ilaalinta agabka, farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya, Mr. Ben Fender oo munaasabadaas furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka mid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya, wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah, isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

Post Comment